Sharciyada

Sharciga Kalluumaysiga ee Soomaaliya (Xeer Lr. 23, 30kii Nofeembar, 1985), tixraac Qodobka 79aad, Faqrada (x) ee Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamuud ayaa 20 kii Maarso 2023 saxiixay Sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kaas oo labada aqal ee Baarlamaanka dalka ay fadhiyo kala duwan ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah.

Sharcigan ayaa ah dib-u-eegid Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliyeed, xeer lr. 23 oo soo baxay 30ka Nofeembar, 1985 si waafaqsan Qod. 79aad faqrada (d) ee Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Riix linkigan si aad u hesho sharciga oo dhameystiran.

Halkaan ayaad ka heli kartaa Sharciga Hormarinta iyo Maareynta Kulluumeysiga Soomaaliyeed

Kadib markii uu soo baxa Sharcigan Wasiirka wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 6 cutub iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
 
Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha lasocdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faahfaahinaya ujuurooyinka, curaarta iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqdaha kale ee Kalluumeysi.

Halkaan ayaad ka heli kartaa Xeerka Bixinta Shatiyada, Kormeerka, Xakamaynta iyo Ilaalinta Kalluumeysiga Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meelo ka baxsan Biyaha Soomaaliya

 

Wixii Faahfaahin ah Fadlan la xiriir

communications@mfmr.gov.so