Shirka Wadatashiga Sharciga Iyo Xeer Nidaamiyasha Kalluumeysiga Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay

Sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka dalka, mudane Abdilahi Bidhan Warsame, ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka wadatashiga sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga Soomaaliya oo soconaya 15-18 August 2020. Shirka oo maalmaha uu socdo looga doodayo dhammeystirka sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirrada dowlad gobaleedyada ee kalluumeysiga, maamulka gobalka Banaadir,

Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya Oo Sodon Sano Kadib Yeelatay Doon Kalluumeysi Oo Lagu Tababaro Shaqaalaha Iyo Iskaashatooyinka

Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka dadda DFS ayaa doon kalluumeysi oo lagu tababarayo kalluumeystada waxaay maanta kala wareegtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan Cunnada iyo Beeraha (FAO). Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo doonta kala wareegay FAO ayaa ka mahad celiyay taageerada joogtada ah, waxuuna caddeeyay in doontani oo

Dowladda Oo Digniin U Dirtay Maraakiib Si Sharci Darra Ah Biyaha Dalka Uga Kalluumeysta

Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda,  Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray maraakiib laga leeyahay waddamada Iiraan iyo Pakistaan oo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalkeenna. “Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qaqabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS Oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdilaahi Bidhan Warsame, ayaa booqday Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho Maanta. Wasiirka ayaa la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan cudurka dilaaga ah ee ku dhaca Shiinaha. Wasiirka ayaa sidoo kale cadeeyay ahmiyada Shiinaha ay ku leedahay sii wadida wada

Wasiir Bidhaan oo Shir-Gudoomiyay Kulan U Dhaxeeyay Wasaaradda Iyo Deeq-Bixiyayaasha

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa shir gudoomiyay maanta kulan u dhaxeeyay wasaaradda iyo Hay’aadaha iyo dowladaha Deeq bixiyayaasha ee sida tooska ah ula shaqeeyaa Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Hay’aadaha kala ah FAO ,EU , USAID, DFID iyo masuulin

Wasiirka Kalluumeysiga DFS Oo Shaqaalaha Wasaaradda Kala Qayb Galay Isxilqaan

Dhismaha golaha murtida iyo madadaalada ee National  Teather oo maraya meel gabagabo ah ayaa wajigiisii 9-aad ee ololaha isxilqaan waxaa kaltanka u lahaa shaqaalaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya . Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda dowladda Soomaaliya mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa uga mahadceliyay dhamaan shaqaalaha iyo maamulka wasaaradaha dowladda ee ka qayb

Wasiir Bidhaan Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madax Ka Socotay EU-Da

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Midowga Yurub . Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ayaa ku saabsan sidii loola dagaalami lahaa kalluumeysiga sharci darrada iyo sidii EU-da ula shaqayn lahayd wasaaradda Kalluumeysiga . “ Maanta waxay

Tababar U Soo Dhammaaday Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga DFS

Waaxda Maareynta Kalluumeysiga iyo La Socodka Maraakiibta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowaladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gunaanadday maalinnimadii Axaddii tababar ay shaqaale ka tirsan Wasaaraddu ku baranayeen Kormeerista iyo Baarista kalluumeysiga (Observer/Inspector). Wasaaraddu waxa ay ku guuleysatay si waafaqsan sharciga kalluumeysiga iyo shuruucda caalamiga ahba; bixinta ruqsadaha kalluumeysiga kalluunka Tuunnada iyo Tuunna u

RW Khayre Oo Kormeeray Wasaaradaha Kalluumeysiga , Haweenka, Warfaafinta Iyo Dekadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaarahaha Haweenka, warfaafinta iyo kalluumeysiga iyo dekadda Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan. Saddexda wasaaradood ee Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray, ayuu ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, waxa uuna ka xog wareystay

Kulan Is Xogwaraysi Oo Dhex Maray Shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiirka

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha wasaaradda kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda  . Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda , agaasima waaxeeyada , madax qaybeedyada iyo dhamaan shaqaalaha oo idil , waxaana inta uu socday kulanku su’aalo