Waaxda Qorsheynta, Siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha waxa ay Mas’uul uga tahay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda arimaha isku- dubaridka qorsheynta, Siyaasadaha, horumarinta dhaqaalaha iyo qiimeynta iyo Kormeerida howlaha Wasaaradda.

Waaxdu waxa ay Mas’uul ka tahay:-

  1. Hogaaminta iyo horumarinta jihada istiraatiijiga ah ee Wasaaradda.
  2. Ka qayb qaadashada hogaaminta wada xaajoodyadda lala yeelanayo Ha’yadaha deeqaha bixiya si loo fuliyo barnaamijyadda Wasaaradda.
  3. Talo siin Agaasimaha Guud, waaxyaha, madax qeybeedyadda iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya horumarinta siyaasadda iyo arimaha qorsheynta.
  4. Ku matalida shirarka iyo shaqooyinka Wasaaradda ee ka dhacaya Gudaha Iyo dibadda.
  5. Maamulka, kormeerka iyo is waafajinta howlaha qorshaynta iyo guud ahaan istiraatiijiyadda Wasaaradda si ay ula jaanqaadaan Wasaaradaha, iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.
  6. Kormeerka hubinta iyo horumarinta nidaamka maareynta xogta oo dhameystiran si loo fududeeyo uruurinta, keydinta, qiimeynta iyo faafinta xogta iyo macluumaadka Wasaaradda.
  7. Horumarinta iyo hirgelinta nidaamyada horumarineed iyo maareynta siyaasadaha iyo miisaaniyadaha la xiriira kallumaysiga iyo kheyraadka badda.
  8. Horumarinta xiriirka dhexmara Wasaaradda iyo Wasaaraddaha kale dowladda si la isaga kaashado qorshayaasha iyo istiraatijiyaha si loo fuliyo waajibaadyadda shaqo.
  9. Dejinta siyaasado lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.