Agaasimaha waaxdu Wuxuu masuul ka noqon doona maamulka iyo isku dubaridka hawlaha kalluumeysiga iyo kalluun beerista, maasuuliyadihiisuna waa sidan:
- Dejinta siyaasadaha, xeeladaha iyo xeerarka kalluumeysiga iyo kalluun beerista,
- Isu-duwidda barnaamijyada kalluumeysiga iyo kalluun beerista ee ka socda dalka,
- Kormeerida maamulada kalluumeysiga iyo kalluun beerista,
- Sameynta qorshe iyo miisaaniyad sanadeedka waaxda lana hubiyo hirgelinteeda,
- Kor u qaadida maareynta farsamooyinka kalluumeysiga casriga ah iyo kalluun beerista si kobciyo wax-soo-saarka iyo kalluumeysiga waara;
- Dhiirigelinta barnaamijyadda kalluumeysiga iyo kalluun beerista dalka;
- Ku matalida DFS shirarka caalamiga ah ee maareynta kalluumeysiga iyo kalluun beerista, dood-wadaagyada iyo kulmada saraakiisha farsamo;
- Kala talinta Agaasimaha Guud maareyntanta kalluumeysiga iyo kallun beerista oo ay ku jiraan xanaanada kalluunka ee Soomaaliay;
- Sameynta, hirgelinta iyo dib u eegista siyaasadaha maareynta kalluumeysiga ee WKKHB