Waaxda Maamulka Iyo Maaliyadda

Waaxdu Waxay mas’uul ka noqon ddontaa maaraynta iyo isku dubaridka hawlaha maamul maaliyadda, kormeerka hawlaha WKKHB ee maaliyadda, qorsheynta, maamulka guud, maaraynta kaabayaasha dhaqaalaha, miisaaniyadaha iyo xisaabaadka, maaraynta sahayda iyo saadka. Waajibaadka gaarka ah iyo masuuliyadaha waxaa ka mid ah:

 

 

  • Isuduwidda iyo maaraynta hawlaha guud iyo adeegyadda taageeraya ee WKKHB
  • Dejinta iyo dib u eegista siyaasadaha maaliyadeed, istaraatijiyadda, tilmaamaha iyo habraacyadda maamulka guud, maaliyadda iyo iibka, maaraynta diiwaanada, gaadiidka iyo adeegyada kale;
  • Maareynta nidaamyada maaliyadda ee WKKHB iyo diiwaan gelinta nidaamyadda maareynta macluumaadka;
  • Hubinta u hogaansanaanta xeerarka sharci ee maareynta maaliyadda guud;
  • Maareynta hantida iyo helitaanka qalabka oo ay ku jiraan qandaraas bixinta;
  • Kormeerka diyaarinta qorshayaasha wax soo iibsiga iyo warbixinadda;
  • Iswaafajinta miisaaniyadaha wasaaradda iyo qorshaha hawlaha dhamaan waaxyaha
  • Maareynta iyo hubinta ka faa’iideysiga kheyraadka wasaaradda
  • Dhisidda awooda Waaxda
  • Kormeerka iyo maareynta waxqabadka
  • La talinta Agaasimaha guud ee mudnaanta hawlaha iyo us oo bandhiga qorsheyaasha dejinta miisaaniyadda Wasaaradda