Agaasimaha, Ilaalinta Deegaanka iyo Xeebaha, wuxuu mas’uul ka noqon doonaa Guud ahaan maaraynta iyo isku dubaridka Shaqada Ilaalinta Deegaanka iyo Xeebta:

Mas’uuliyadaha:-

  • Kormeerida iyo maaraynta dhamaan howlaha ka socda waaxda ilaalinta iyo dhawrista deegaanka badaha.
  • Diyaarinta istaraatiijiyooyin kor loogu qaadayo ka hortaga wasakheynta badda iyadoo loo marayo siyaasado iyo sharciyada dalka.
  • Isuduwidda xog ururinta ku saabsan Noolaha sii dabar go’aya ay ku yeelaneyso deegaanka Badweynta ee ku teedsan xeebta iyo badda Soomaaliya.
  • Ilaalinta dhowrista bii’ada iyo xeebta iyadoo la siinayo macluumaad, kormeer iyo qiimeyn deegaan oo joogto ah.
  • Isku-dubbaridka kaqeybgalka bulshada ee daneeyayaasha kala duwan si loogu wargaliyo go’aamada iyo siyaasadaha muhiimka u ah ka faa’iideysiga iyo maaraynta kheyraadka badda iyo xeebaha.
  • Ku xirnaanshaha WKKHB hay’adaha kale ee ilaalinta deegaanka ee heer gobol iyo heer caalami ah iyo daneeyayaasha.
  • Horumarinta iyo soo bandhigida miisaaniyada sanadlaha ah ee waaxda ilaalinta iyo badbaadinta deegaanka ee xeebta iyo u bandhigida agaasimaha Guud iyo Aqaasimaha waaxda maaliyada si loo ansixiyo.
  • Maaraynta shaqaalaha ilaalinta deegaanka badda iyo xeebta ee WKKHB.
  • Aruurinta Kheyraadka ee howlaha ilaalinta deegaanka ee ka socda WKKHB.
  • Horumarinta iskaashiga dhowrista deegaanka badda iyo xeebta oo lala yeesho machadyada dhowrista deegaanka, gobolka iyo caalamiga si loo helo xog iyo xirfado wadaag.
  • U Gudbinta Agaasimaha Guud natiijooyinka cilmibaarista ilaalinta deegaanka badda iyo xeebta si loogu bandhigo golaha wasiirada.
  • Ka qaybgalka daneeyeyaasha badda ee kala duwan si ay u muujiyaan saameynta ay ku leeyihiin hawlahooda badda Soomaaliya iyo bay’ada xeebta.
  • Falanqeeynta saameynta howlaha badda ay ku leeyihiin habnololeedka bulshada xeebaha ku nool.
  • Illaalinata dhowrista bii’ada iyo xeebta Soomaaliya.
  • Ku hagida WKKHB diyaarinta xeerarka dhowrista badda.