Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in qof walba oo website-ka soo booqda uu macluumaadka website-ka ku jira ku heli karo habka ugu fudud ee suurtogal ah, iyada oo wasaaraddu raacayso beegaalka caalamiga ah ee u degsan fududaynta adeegsiga website-yada.

Si aan u hubinno in qof walba oo ku sugan xaalad walba oo dhanka lixaadka ah uu u adeegsan karo website-ka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, waxa aan ku dadaalnay in aan raacno Hagayaasha Fududaynta Helitaanka Dhigaalka Website-ka (WCAG), meeriska 2.1. Hagayaashaan ayaa qeexaya tallaabooyinka la marayo si helitaanka dhigaalka website-ka loogu fududeeyo dadka oo idil oo ay ku jiraan kuwa lixaadkoodu aanu dhammaystirnayn.

Hagayaashaan ayaa u ka la baxa saddex heer, (A, AA iyo AAA). Waxa aan iminka u doorannay website-ka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddu in uu u hoggaansamo heerka A.

Waxa aan aad ugu dadaalnay in aan website-ka u diyaarinno qof walba oo doonaya in uu dheehdo dhigaalka website-ka ku jira, waxa na aan rumaysan nahay in aan uu website-ku buuxiyey shuruudaha heerka A. Yeelkeed e, waxa aan si joogta ah u korjoogtaynaa website-ka si aanan heerkaan hoos uga dhicin, balse haddii ay dhacdo in aad dheehashada website-ka ka la kulanto wax caqabado ah, fadlan nagu soo wargeli.

Talo iyo bogaadin ba waa aad na la soo wadaagi kartaa.

Bayaankaan waxaa la tifaftiray 1da Diseembar, 2018.