Muqdisho, 16, 05, 2023, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah oo ka socda hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO, kuwaas oo wasiirka la wadaaday warbixinno ku saabsan mashaariicda horutabinta u leh wasaaradda ee ay wadaan hay’adda FOA iyo dhinacyada kale ee taageera wasaaradda.

Ezana oo ah madaxa mashaariicda ee hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa wasiirka uga warbixiyey shaqooyinka qabsoomay ee la xiriira mashaariicda, kuwa ay rajeynayaa in ay dhawaan bilaabaan iyo howl wadajir ah oo ay doonayaan in ay la qabtaan wasaaradda sida korqaadidda xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ee dhinaca Kalluumeysiga iyo dajinta qorsheyaal horutabin u leh dalka oo ku quseeya horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey watiga FAO warbixinnada ay la wadaageen isaga oo si gaar ah u soo dhaweeyey Papa Gora oo ah khabiir sare oo dhinaca Kalluumeysiga ah dhawaanna kamid noqday kooxda hogaaminta mashaariicda FAO ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed ayaa u sheegay waftiga FAO in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso mashariicda waxgalka ah ee kor u qaadaya waxsoosaarka kalluunka, xirfadda kalluumeysatada, horumarinta Kalluumeysiga sida in la helo suuqyo Kalluun, xarumo lagu farsameeyo ama lagu keydiyo Kalluunka iyo Shaqo abuurka dhalinyarada.

 

Dhammaad,

Wixii faahfaahin la xiriir xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta bulshada ee waaaaradda,

E-mail: communications@mfmr.gov.so

Facebook: https://www.facebook.com/MFMRSomaliya?mibextid=LQQJ4d

Twitter: @MFMRSomaliya

 

Leave a comment

Your email address will not be published.