Muqdisho, 20, October, 2022, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga ee dowlad goboleeyada ayaa shir wada-tashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa wadashaqeynta wasaaradaha heer federal iyo dowlad goboleed, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda xirfadaha kalluumeysatada iyo dhammaan dhinacayada ku howlan kalluumeysiga iyo in la dardar galiyo qorsheyaasha horutabinta u leh horumarinta wax-soosaarka dalka gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraad ka baddeenna.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Xil. Mohamed Bashiir Ali ( Baxnaan) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Ali Ifiye Ali ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyey wasiirrada dowlad goboleedyada ee kasoo qeybgalay shirka.
Soo dhaweyn kadib wasiir Ahmed Hassan Aden ayaa wasiirrada dowlad goboleedyada uga mahadceliyey imaatinka shirkan muhiim ka ah iyo ballanqaadkooda ku aadan xoojinta wadashaqeynta wasaaradda iyo wasaaradaha heer dowlad goboleed.
Wasiir Ahmed ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay in ay la timaado waxqabad muuqda oo ku saabsan wadashaqeynta, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kordhinta suuqgeynta kalluunka iyo hirgalinta mashaariic wax ku ool ah oo lagu horumarinayo kalluumeysiga, kalluumeysatada iyo kor u qaadidda xirfadaha dhammaan dhinacayada ku howlan kalluumeysiga.
Wasiirrada kalluumeysiga ee heer Federaal ayaa si isku mid u soo dhaweeyey xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradaha heer federal iyo dowlad goboleed iyaga oo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la iska iloobo dhammaan caqabadihii horay u jiray islamarkaana la daah-furo bog cusub oo wada-shaqeyneyd si loo muujiyo isku duubni iyo wadajir.
Shirkan oo maalmaha soo socda lagu soo gaban gabeyn doono magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay wasiirada Kalluumeysiga dowlad goboleedyada Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.