Muqdisho, 21, September, 2022, Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wahadalay xoojinta kaalinta kaga aadan wasaaradda iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada dal, abuuridda jawi wadanasheyneyd oo cusub iyo in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowladaha shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya.
Danjiraha dowladda shiinaha ee Soomaaliya mudane FEI Shengchao费胜潮 ayaa ka shakeeyey tariikhada xiriirka soojireen ka ah ee ka dhexeeya labada dal waxaana uu ku tilmaamay mid walaalnimo iyo saaxiibtinimo oo qoto dheer isaga oo xusay in ay diyaarin u yihiin hagaajinta iyo ilaalinta xiriirkaas qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Waxa uu sheegay in ay jiraan warbixinno badan oo la faafiyey kuwaas oo sheegaya in dowladda shiinaha ay kalluumeysi sharci darra ah oo xad dhaaf ah ay ka sameyso badda Soomaaliya taasina ay kamid tahay waxyaabaha loogu talagalay in lagu waxyeello xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo China. isaga oo intaa ku daray in ay diyaar yihiin wax walba oo xoojinaya xiriirka labada dal loogana hortagayo kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowlaha shisheeye ka sameeyaan Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda mudane Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyey danjire FEI Shengchao费胜潮 sida uu diyaar ka ugu yahay xoojinta midnimada iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada isaga oo u sheegay in ka wasaarad ahaan uu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato.
Wasiir Ahmed ayaa u sheegay danjiraha in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan in ka hortag xoogan lagu sameeyo kalluumeysiga sharci daradda ah loona baahan yahay in safaaraddu ay kaalinteeda qaadato maadaama shirkaddaha ugu badan ee sharci u haysta in ay ka kalluumeystaan badda Soomaaliya ay yihiin kuwo laga lee yahay dalkooda. isaga oo intaa ku daray in shati aan ka soo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan ciddii ku kalluumeysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa sidoo kale isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac iyadoo lagu ballamay in ay dhacaan kulamo kale oo lagu dhameystirayo wadahal ka mira dhalka ah ee ay yeesheen.
Kulankan oo isfaham kusoo dhammaaday waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Xildhibaan Mohamed Bashiir Cali, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinaca.










