Muqdisho, 28, September, 2022, Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sucuudiga ee Soomaaliya mudane Axmed bin Maxamed Al-Mawluud.
Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka walaalnimo ee soojireenka ah ee u dhexeeya labada dal, xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga, iyo in ganacsatada iyo dowladda Sucuudiga ay maalgashi ku sameyeeyaan dalka gaar ahaan kalluumeysiga.
Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Mawluud ayaa u sheegay wasiirka in sida ugu dhakhsiyaha badan khubaro iyo ganacsato Sacuudiyaan ah ay soo booqanayaan Soomaaliya lana dar dar gelinayo iskaashiga labada dal ee walaalnimada iyo wax wadaagga ku dhisan.
Wasiir Ahmed Hassan Aaden oo uga mahadceliyey danjiraha Sucuudiga mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawluud booqashadiisa ayaa u sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka soojireen ka ah ee labada sidoo kale-na ay soo dhaweynayaan maalgashadeyaasha ka socda dowladda iyo shacabka Sucuudiga.
Wasiirka ayaa sidoo kale danjiraha uga mahadceliyey sida ay dowladda Sucuudiga mar walba u garan taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed isaga oo xusay in Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhexeeyo xiriir walaalnimo qoto dheer islamarkaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo wanaajinta iyo adkeynta xiriirkaas.








