Muqdisho, 10, September, 2022. Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka waxaana ay ka wadahadleen horumarrada ay sameeyeen ganacsatadu, caqabdaha jira gaar ahaan canshuuraha, iyo fursadaha taagan ee u baahan in looga faa’iideeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha shirkadda “Somali sea food export association” oo kamid ah shirkadaha ganacsi ee ka shaqeeya dhoofinta kalluunka Ali Ibraahim oo warbixin ka siiyey wasiirka shaqada ay qabtaan ayaa sheegay in ganacsato ahaan ay doonayaan in ay horumariyaan ganacsiga caalamiga ah ee ku saabsan dhoofinta kalluunka laakiin ay jiraan caqabado badan oo ka imaanaya gudaha iyo dibadda.
Waxa uu sheegay in ay jiraan culeysyo ka yimid lacagaha laga qaado ganacsatada gaar ahaan shatiyada iyo canshuurta lagu kordhiyey qaar kamid ah noole badeed ka ay ganacsatadu u dhoofiso dibadda taas oo caqbad ku noqotay howlaha ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka.
Guddoomiyaha Shirkadda ayaa yiri “caqabadaha dibadda waxaa kamid ah kalluumeysiga sharci darrida ah ee dowlado shisheeye ka geystaan dalka taas oo keeneysa in aan baahi badan loo qabin dhoofka Kalluunka Soomaaliya” waxa uu intaa ku daray waxaa jira xoogaa horumar ah oo laga sameeyey taas oo ay gacan naga siisay wasaaradda, waxaan shirar u tagnay dalal badan oo dibadda ah kuwaas oo aan isla qaadanay in aan sifo sharci ah ugu geyno kalluunkeenna”.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo khyeraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aden ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee uu maanta la kulmay ku dhiiragaliyey shaqada baaxadda leh ee ay hayaaan isaga oo sheegay in ganacsada fursad loo siin doono in ay qeyb ka noqdaan dhammaan howlaha ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay diiradda saarayaan sidii looga faa’iideysan lahaa howlaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku saabsan dhoofinta kalluunka, sidoo kale ay doonayaan in laga faa’iideysto shirkadaha shisheeye ee doonaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya isaga oo xusay in mudnaanta la siinayo ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa u ballan qaaday ganacsatada in wasaaraddu kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto horumarinta shaqada ay hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka, sidoo kale ay dadaal xoogan ku bixineyso sidii loo xalin lahaa caqabadaha jira gaar ahaan canshuuraha iyo lacagaha lagu kordhiyey shatiyada shirkadaha kalluumeysi ee maxaliga ah.

Leave a comment

Your email address will not be published.