Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda mudane Ahmed Hassan Aden oo xafiis kiisa ku qaabilay wafti ka socda DT Global iyo Save the children ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan wada shaqeynta wasaaradda iyo dhinacyadan.
Suleiman Mohamed oo hoggaaminayey waqtigan ayaa sharaxaad ka bixiyey mashruuca ay dhawaan ku guuleysatay DT Global ee The Market-based Resilience for Marginalized Populations (MB-RMP), mashruucaas ayaa diiradda saaraya adkeysiga bulshada gaar ahaan barakacayaasha, bulshada nugul iyo kor u qaadidda fursadaha hal-abuur ee bulshada.
Suleiman ayaa wasirka u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay si hufan ula shaqeeyaan maadaama ay wasaaraddu kamid tahay wasaaradaha qeybta ka noqon doona shaqada mashruucan.
Wasirka wasaaradda kalluumesiga iyo kheyraad ka badda Mudane Ahmed Hassan Aden oo uga mahadceliyey booqashada iyo warbixinta ay ka siiyeen mashruucan ayaa u ballan qaaday in ay wasaaraddu kala shaqeyneyso sidii ay u xaqiijin lahayd kaalinta kaga aadan mashrucan isaga ku bogaadiyey shaqada hufan ee ay u hayaan bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published.