Wasiirka wasaaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta soo xiray Shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ee maareynta kalluumeysiga oo laba maalmood Muqdisho ka socday Muqdisho, loogana hadlay hannaanka ugu haboon ee loo maamulaayo isla markaana loo maareynaayo kalluumeysiga Soomaaliya.

Mudane Cabullaahi Bidhaan Warsame ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu shirkani u leeyahay hagaajinta maamulka iyo maareynta kalluumeysiga dalka oo kamid ah Kheyraadka uu dalkeennu hodonka ku yahay una baahan in si wanaagsan looga faa’ideysto, waxuuna ka qeyb galayaasha uga mahad celiyay fikradaha wax ku ool ah oo horseedaya in lagu heshiiyo hannaan maamul oo mideysan oo ka turjumaya horumarka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

Ka qeyb galayaasha ayaa labada maalin ee shirku socday waxay dood dheer ka yeesheen qorshaha kalluumesiga ee 2021-2030, kahor tagga kalluumeysiga sharci darrada ah, hanananka ay shaqada u qeybsanayaan dowlad gobaleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana shirka lagu dhisay Guddi kumeel gaar ah oo ka shaqeeya horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga kaas oo looga gudbi doono nidaam rasmi ah oo muddo dheer shaqeeya sida dhismaha Hay’adda Kalluumeysiga Soomaaliya ama hanaan maamul oo la mid ah Hay’adda Kalluumeysiga Soomaaliya.

Guddigan KMG oo ka koobnaan doona Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluuemysiga waxay ka shaqayn doonaan horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya iyaga oo yeelan doona kullamo joogto ah, sidoo kalana samaynaya habraaca hannaanka ugu haboon oo loo maamuli karo Kalluumeysiga Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb gelaya wasiirrada iyo agaasimayaasha guud ee kalluumeysiga dowlad gobaleedyada. Wasiirrada dowlad gobaleedyada ee shirka ka qeyb galaya ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka la gaaray labada maalin ee shirkani socday, waxayna guddiga kula dardaarmeen in mas’uuliyadda weyn ee la saaray ay si wanaagsan u gutaan.

Kulankaan ayaa daba socda kulan looga tashaday daadejinta awoodaha iyo waajibaadka maamulka iyo maareynta kalluumeysiga dalka oo July 31, 2021 ay Muqdisho ku yeesheen oo ka qeyb galeen howl-wadeenno ka socda wasaaradaha beeraha, xanaanada xoolaha, biyaha, dekadaha, macdanta, arrimaha dastuurka iyo arrimaha gudaha iyo agaasinka bey’ada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published.