Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda XFS, xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa furay shir looga tashanayo daadejinta awoodaha iyo waajibaadka maamulka iyo maareynta kalluumeysiga dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasiir Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galayaasha shirka kula dardaarmay in saacadaha ay joogaan kulanka ay aad maskaxda u shiilaan oo ay soo gudbiyaan talooyin wax ku ool ah oo lagu qaadan karo go’aamo masiiri ah oo khuseeya daadejinta awoodaha iyo waajibaadka maamulka iyo maareynta kalluumeysiga dalka.
Agaasimaha qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda XFS, Cabdullaahi Cabdi Cadow oo ka war bixiyay waxyaabaha kulanka laga filayo inay kasoo baxaan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ka talo bixinta hannaanka ugu wanaagsan oo loo maamuli karo kalluumeysiga dalka hadii ay noqoto heer dowlad dhexe iyo heer dowlad gobaleed, maadaama ujeedka ugu weyn ee kulanka uu yahay in la helo xog iyo talo qeyb ka qaatada horumarinta qeybta kalluumeysiga dalka.
Kulanka aqoon is-weydaarsiga ah ayaa waxaa lagu casuumay howl-wadeenno ka socda wasaaradaha beeraha, xanaanada xoolaha, biyaha, dekadaha, macdanta, arrimaha dastuurka iyo arrimaha gudaha iyo agaasinka bey’ada ee xafiiska Ra’iisul Wasaraha. Ka qeyb galasyaasha ayaa dood, maskax shiil iyo falanqeyn saacado qaadatay kadib waxay soo jeediyeen talooyin lagu qaadan karo go’aamo lagu hagaajinayo heerka waajibaadka maamulka iyo daadejinta awoodaha kalluumeysiga dalka iyo wadaagga dakhliga kalluumeysiga dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda XFS, Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo soo xiray kulanka aqoon is-weydaarsiga ah ayaa caddeeyay in howl-wadeennada ka socday wasaaraha wax soo saarka dalka iyo hey’ado kale oo dowladeed ay kulanka aqoon is-weydaarsiga oo ay uga doodeen qodobba la xariira maamulka iyo sharciyada kalluumeysiga ay kasoo saareen aragtiyo iyo fikrado togan oo muhiim u ah geeddi socodka horumarinta kalluumeysiga dalka guud ahaan.
Wasiirka kalluumeysiga iyo Khardaadka badda XFS, Cadullaahi Bidhaan Warsame, ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii horumarin waarta loogu sameyn lahaa qeybta kalluumeysiga ee dalka si dadka Soomaaliyeed ay uga faa’iideysaan, waxaana kulanka maanta uu horudhac u ahaa kulamo kale oo u dhexeeya DFS iyo dowlad gobaleedyada dalka oo si qota dheer looga doodayo daadejinta awoodaha iyo waajibaadka maamulka iyo maareynta kalluumeysiga dalka.