Arbaco, Maarso, 31, 2021 ( MFMR ) Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda  Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa si rasmiga xariga uga jaray xarunta la socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga .

Xaruntan ayaa ah tii ugu horeysay burburka kadib oo laga hirgaliay dalka taasi lagu karibay xarunta qalab casriga kaasi lagu ogaanayo Maraakiibta soo gasha biyaha Soomaaliya halka ay joogaan iyo halka ay ka soo galeen biyaha dalka  .

Qorshahan ayaa ah bilowga  qorshaha qaran oo lagula soconayo ilaalinta Kalluumeysiga sharci-darradaa ee biyaha Soomaaliya .

 

Munaasibada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda , Agaasime Waxaadyo , Shaqaalaha ,Howlwadeenada iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka .

 

“ Waxaa jira Maraakiib tiro badan oo badda Soomaaliya si sharci darraa ugu jira waxay sameeyaan si aan loo arkin waxay dansadaan qalabka lagula socdo maraakiibta inta ay biyaha dalkeena ku jiraan ,  waan la soconaa waxaana lagu ogaan karaa siyaabo badan laakiin danbigu wuxuu ka bilowdaa in la damiyo system-ka cidii lagu qabto waxaa loo aqoosan doonaa dambiile sharciga la horkeeni doono  “ Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyadoo kaashanayna Wasaaradaha Kalluumeysiga ee dowlad gobolada dalka waxay xarumo lagula socona Ilaalinta iyo Lasocodka Kalluumeysiga ka hirgalin doonaa gobolada oo dhan .

MEDIO OFFICE – MFMR

facebook.com/fisheriesSOM

twitter.com/fisheriesSOM

E-mail: Info@mfmr.gov.so

Leave a comment

Your email address will not be published.