Munaasibad ay gaadiid qaboojiyaal kula wareegaysay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheryaadka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka dhacay Magaaladda Caasimadda ee Muqdisho .
Munaasibadan Gadiidka lagula wareegayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya , Isku-duwaha qaybta Kalluumeysiga ee Hey’adda Cunaada iyo Beeraha ee FOA , Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Masuuliyiin kale .
Gaadiidkan Wasaaradda lagu wareejiyay ayaa waxaa loo qaybin doonaa Wasaaradaha Kalluueysiga ee dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya , gadiidkaas oo awood u leh qaboojiyaal in Kalluumeysata meelaha fog fog ka soo jilaabta Kalluunka ay gaarsiiyaan Suuqyadda .
“ Gadiidkan qaboojiyaashu ku xiran yihiin ee maanta bannaanka inuu taagan hadafka ugu wayne waa in dadka xeebaha dagan ay uga faa’iidaystaan Kalluunka ay tabcadaan ama ay soo qabsadaan ay keenaan meelaha ay u iib keenayaan “ . Xil. Cabdullaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gadiidkan ayaa la wuxuu noqon doonaa mid faa’iido wayn u leh dadka Kalluumeysatadaa ee ku nool deegaanadda xeebaha fog-fog , taasi oo awood u siinaysa inay Kalluunkooda ku soo gaarsiiyaan suuqyada arintaas oo saray u qaadaysa shaqadooda, dhaqaalahooda iyo xirfadooda shaqo
Xafiiska Warfaafinta
Ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda