Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaarahaha  Kalluumeysiga , Caafimaadka ,Haweenka iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

 

Wasaaradaha uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray, ayuu ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, waxa uuna ka xog wareystay xaaladda shaqo, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

 

Kormeerka Ra’iisul  Wasaare XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  , ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, loogana dhabeeyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Warfaafinta

Ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Leave a comment

Your email address will not be published.