Mogadishu, Somalia December 12,  2020: Shirka dakhli wadaaga kalluuka dalka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS, iyo Wasiiradda Wasaaradaha  Kalluumeysiga Dowlad Goboleedyada Galmudug, K/Galbeed, Hirshabeele  iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho 10-ka ilaa 12-ka Bisha December 2020, si ay wada hadallo uga yeeshaan heshiiska dakhli wadaagga kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga kalluumeysiga Soomaaliya.

Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd sii xoojinaya howsha socota ee dakhli wadaagga kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaliya ayaa lagu go’aansaday qodobadan soo socda:

  1. In Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS ay dardar-geliso dhammeystirka sharciga kalluumeysiga si dhaqso ahna loogu gudbiyo Golaha Wasiirada DFS si ay u meel mariyaan uguna gudbiyaan Golaha baarlamaanka.
  2. In la mideeyo dhammaan Siyaasadaha Kalluumeysiga Soomaaliya, kadib marka ay isku waafaqaan dowalda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
  3. Waxaa si buuxda Wasiirradu u go’aansadeen in muhiimad gaar ah la siiyo maareynta iyo tas’hiilka kheyraad badeedka, lagana hortago wax kasta oo dhibaato u keeni kara noolaha iyo deegaanka badda oo ay ku jiraan hababka Kalluumeysiga ee waxyeellada leh
  4. In DFS oo kaashanaysa Dowlad Gobolledyada ay dadaal ku bixiso ka hortaga Kalluumeysiga sharci darada ah ee ka dhaca biyaha Soomaaliya.
  5. Waxaa la isku raacay ilaa inta laga helaayo heshiis rasmi ah oo la isla ogolyahay in Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda DFS ay sii waddo bixinta shatiyada, dhaqliga kasoo xaroodana lagu hayo bangiga dhexe ee dalka ilaa inta laga gaaraayo heshiis rasmi ah.
  6. In bisha January 2021 dhexdeeda magaalada Dhuusa-Mareeb ay caasimadda dowladd gobolleedka Galmudug ay shir wadatashi dheeraad ah isugu yimaadaan dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loo dhammeystiro heshiiska dakhli wadaaga Kalluumeysiga Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published.