Muqdisho; Talaado, Agoosto 18, 2020—- Sii hayaha wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DFS, mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa guddoomiyay shir dhex maray wasiirrada Kalluumeysiga heer Federaalka iyo heer dowlad gobaleed iyo mas’uuliyiinta Shirkadda Geel oo kamid ah shirkadaha qeybta ka qaata horumarinta qeybta kalluumeysiga dalka.
Kulanka oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin mashaariicda ay shirkadda Geel ka fuliso goballada dalka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kalluumeysiga ee dowlad gobaleedyada dalka.
Dhammaan arrimihii kulanka looga hadlay ayaa laga gaaray is-faham guud, waxaana la isla gartay in lasii wado kulamada iyo wadashaqeynta dhinacyada.
Kulanka ayaa dhinac socday shirka wadatashiga sharciga iyo xeer nidaamiyaasha Kalluumeysiga Soomaaliya ee maanta lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.
MEDIA OFFICE -MFMR