Muqdisho; Talaado, Agoosto 18, 2020—- Shirka wadatashiga Sharciga iyo xeer nidaamiyaasha Kalluumeysiga Soomaaliya oo galay maalintii afaraad ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay  Magaaladda Muqdisho .

 

Shirkaan ayaa saddexdii maalin uu socday waxaa lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa sharciyada Kalluumeysiga ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo shirciga Kalluumeysiga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda  dowladda Federaalka Soomaaliya  .

Dooda u adag ee shirka inta uu socda ayaa waxay dhex maraysay Iskaashatooyinka heer gobol iyo heer Federaal , Ganacsatada Kalluumeysiga ,Sharciyaqaano , Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka , Hey’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

 

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo shirka soo xiray ayaa sheegay in afarta maalin ee shirka socday in la qaybtay hawl aad u culus , sidoo kalena sheegay shirkan mid lamida oo lagu turxaan bixinaayo waxyaaabaha dhiman la qaban doono .

MEDIA OFFICE -MFMR

Leave a comment

Your email address will not be published.