Wasiirrada Kalluumeysiga DFS iyo dowlad Gobaleedyada Oo Shir Ku Yeeshay Muqdisho

Muqdisho; Axad, Agoosto 16, 2020—- Sii Hayaha Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DFS, mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa guddoomiyay shir maanta Muqdisho ku dhex maray wasiirrada Kalluumeysiga heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo looga hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay heshiiska Khayraad qaybsiga.

Kulanka oo si qota dheer loogu falanqeeyay mashaariicda iyo horumarka ay wasaaradda kalluumeysiga Federaalku ka wadddo magaalooyinka dalka ayaa  waxaa job joog ka ahaa wasiirrada Kalluumeysiga dowlad gobaleedyada Galmdudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Kulanka oo qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee ay wasiirrdu ka yeeshaan horumarinta qayta kalluumeysiga dalka ayaa dhinac socda shirka wadatashiga sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo looga tashanayo dhammeystirka sharciga kalluumeysiga dalka oo dib u eegis lagu sameeyay.

Wasiirrada oo qodobadii ka ay ka hadleen is af-garad ka gaaray ayaa ku ballamay in kulan kale ay ku yeeshaan magaalada Baydho laba ama sedax todobaad kadib.