Sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka dalka, mudane Abdilahi Bidhan Warsame, ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka wadatashiga sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga Soomaaliya oo soconaya 15-18 August 2020.

Shirka oo maalmaha uu socdo looga doodayo dhammeystirka sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirrada dowlad gobaleedyada ee kalluumeysiga, maamulka gobalka Banaadir, Guddiga Khayraadka golaha shacabka iyo Guddiga golaha shacabka ee kalluumeysiga, beeraha, xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyaga iyo qeyba kale oo kamid ah bahda kalluumeysiga dalka

Mudane Abdilahi Bidhan Warsame oo ugu horreyn ka qayb galayaasha uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dhammeystirka sharciga Kalluumeysiga ayaa ku dhiirri geliyay in maalmaha kulanku uu socdo ay dadaalka ugu badan ku bixiyaan sidii loogu guuleysan lahaa hadafka guud oo ah in la helo sharci loo aayo oo anfaca dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji  oo xubin ka ah Guddiga golaha shacabka ee kalluumeysiga, beeraha, xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyaga ayaa yiri, “Hadii aan sharci Kalluumeysi sameysano markabkii badda kusoo xad gudba waxaan ka qaadi karnaa tilaabo sharciga waafaqsan”.

Dhammaan wasiirrada dowlad gobaleedyada ee shirka ka qayb galay ayaa sheegay in dhammeystirka sharcigaan baahi weyn loo qabo, cid kasta oo ka qeyb qaadatayna uga mahad celinayaan.

MFMR- MEDIA OFFICE

 

Leave a comment

Your email address will not be published.