Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda,  Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray maraakiib laga leeyahay waddamada Iiraan iyo Pakistaan oo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalkeenna.

“Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qaqabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga DFS oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka.

Markaakiibta oo ah 43 markab ayuu sheegay wasiirku inay badankood ku jiraan xeebaha Galmudug iyo Puntiland, ayna sababi karaan in mar kale ay burcad badeednimadii xoogeysato, waxuuna ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ugu baaqay in dowladda ka caawiyaan xogta rasmiga ah ee maraakiiba sida sharci darrada ah uga jillaabayana biyaha dalka.

Dowladda Soomaaliya oo sannadkii hore doomo kalluumeysi siisay shatiyo ay kalluunta Tuna uga jillaaba karaan  biyaha dalka ayaa xoogga saareysa in badaha dalku ay u noqon amni shirkadaha kalluumeysiga caalamku ay ugu soo dhiirradaan inay si sharci ah uga kalluumeystaan, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna ay faa’iido uga helaan.

MEDIO OFFICE – MFMR

facebook.com/fisheriesSOM 

twitter.com/fisheriesSOM

E-mail: Info@mfmr.gov.so

Leave a comment

Your email address will not be published.