Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdilaahi Bidhan Warsame, ayaa booqday Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho Maanta.
Wasiirka ayaa la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan cudurka dilaaga ah ee ku dhaca Shiinaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale cadeeyay ahmiyada Shiinaha ay ku leedahay sii wadida wada xiriirka dhow iyo iskaashiga ay la leedahay WHO si loo ciribtiro viruska.
Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha waxay wadaagaan taariikh aad u weyn oo fog taasi oo ku dhisan iskaashi iyo isfaham .
facebook.com/fisheriesSOM twitter.com/fisheriesSOM E-mail: Info@mfmr.gov.so