Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa shir gudoomiyay maanta kulan u dhaxeeyay wasaaradda iyo Hay’aadaha iyo dowladaha Deeq bixiyayaasha ee sida tooska ah ula shaqeeyaa

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Hay’aadaha kala ah FAO ,EU , USAID, DFID iyo masuulin ka socotay Dowlada Talyaaniga iyo Midowga Yurub iyo madaxda Mashruucyadda GEEL iyo CCAP  kuwaas oo wada shaqayn kala dhaxayso Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya .

Ajandaha kulanka ayaa ahaa sii wax la iskaga waydiin lahaa waxqabadyadii ugu danbeeyay iyo xog uruurintii la sameeyay sidii la iskula wadaagi lahaa , sidoo kale waxaa laga wada hadlay qaabka bixinta shatiga Kalluumeysiga iyo cusbooneysiinta habka cusub ee  laysan bixinta , casriyeyn ku saabsan hindisaha xogta kalluumeysiga ,  Heshiiska wadaagida dakhliga ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda . 

Wasiir Bidhaan oo kulanka soo xiray ayaa hadal kooban ka jeedayay madasha waxaana uu sheegay in qorshaha 2020-ka Wasaaradda ee bixinta shatiga sanadkan noqon doono furo u ah dakhli kororka Dowladda , waxaana uu intaas ku daray inay yaraatay qaabka ka Kalluumeysiga sharci daradda isagoo intaa sii raaciyay  inay jiraan kiisa dhowra oo dhacay Sanadkaan oo gacanta lagu hayo dadkii sida sharci daradda uga Kalluumeysanayay iyo doomohoodii .

MEDIO OFFICE – MFMR

facebook.com/fisheriesSOM

twitter.com/fisheriesSOM

E-mail: Info@mfmr.gov.so

Leave a comment

Your email address will not be published.