Dhismaha golaha murtida iyo madadaalada ee National  Teather oo maraya meel gabagabo ah ayaa wajigiisii 9-aad ee ololaha isxilqaan waxaa kaltanka u lahaa shaqaalaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya .

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda dowladda Soomaaliya mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa uga mahadceliyay dhamaan shaqaalaha iyo maamulka wasaaradaha dowladda ee ka qayb qaadanaya howlaha dib u dayactirka goobaha qaranka , si gaara wuxuu ugu mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda Kalluumeysiga oo kaalin muuqata ku lahaa ololaha Isxilqaan .

Ololaha Isxilqaan ee oo ahaa barnaamij dib loogu dhisayo xarumaha dowlada ee danta guud ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo , waxaana dhamaan heer gabo gabo marayo xarumihii lagu bilaabay ololahaas .  

MEDIO OFFICE – MFMR

facebook.com/fisheriesSOM

twitter.com/fisheriesSOM

E-mail: Info@mfmr.gov.so

Leave a comment

Your email address will not be published.