Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Midowga Yurub .

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ayaa ku saabsan sidii loola dagaalami lahaa kalluumeysiga sharci darrada iyo sidii EU-da ula shaqayn lahayd wasaaradda Kalluumeysiga .

“ Maanta waxay ahayd kulan farxad leh si looga wada hadlo dariiqooyinka looga wada shaqeyn karo horumarinta iyo ilaalinta Xeebaha  Soomaaliya “Mr. Jean-Marc Pisani, Madaxa Howlgallada ee CPCC

Midowga Yurub ayaa dowladda federaalka Soomaaliya qaasatan wasaaradda Kalluumeysiga ka gacansiisa ilaalinta kalluumeysiga sharci darrada iyo xaalufimta kheyraadka badda,  iyagoo 10 sano ee u danbeeyay xeebaha Soomaaliya ay gaafmeer iyo ilaali ka hayeen ciidamada ka socday Midowga Yurub .

MEDIO OFFICE – MFMR

facebook.com/fisheriesSOM

twitter.com/fisheriesSOM

E-mail: Info@mfmr.gov.so

Leave a comment

Your email address will not be published.