Waaxda Maareynta Kalluumeysiga iyo La Socodka Maraakiibta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowaladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gunaanadday maalinnimadii Axaddii tababar ay shaqaale ka tirsan Wasaaraddu ku baranayeen Kormeerista iyo Baarista kalluumeysiga (Observer/Inspector).

Wasaaraddu waxa ay ku guuleysatay si waafaqsan sharciga kalluumeysiga iyo shuruucda caalamiga ahba; bixinta ruqsadaha kalluumeysiga kalluunka Tuunnada iyo Tuunna u ekaha (Tuna and Tuna-like Species) sanadkii hore ee 2019. Sidoo kalena waxa ay diyaarisay qorshaha bixinta ruqsadaha sanadkan 2019 ayadoo wax badan laga beddelay shuruudihii hore si sare loogu qaado dakhliga ka soo xaroonaya. Sidaa darteed tababarkan kormeerista iyo baaristu waa qeyb ka mid ah sare u qaadidda ilaalinta Kheyraadka badda iyo ogaansha xaddiga kalluunka ay qabsadaan maraakiibta la siinayo ruqsadaha.

Tababarkaan oo kala ahaa laba qeybood ayay Waaxda Maareynta Kalluumeysigu ku qabatay Wasaaradda qeybtii hore ee tababarka (1-2 Juunyo 2019) halkaas oo si guud shaqaalaha loogu baray hababka kormeerista iyo baarista. Waxaa qabanqaabiyay Agaasimaha Waaxda Maareynta Mudane Cabdicasiis Xaaji Bashiir iyo Madax-qeybeedyada waaxda Maxamed Muuse Cadaawe iyo Maxamed Muuse Maxamed waxaana si rasmi ah u furay una soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

Qeybtii 2aad ee tababarka waxaa gacan ka geystay Hay’adda Beeraha iyo Cuntada Adduunka ee FAO, taas oo sahashay macallimiin iyo doonni lagu qaato tababarka badda dusheedaa; muddadii u dhaxeysay 22 Sebtembar ilaa 6dii Oktoobar 2019. Shaqaalihii tababarkan qaatey oo ay tiradoodu 13 ayaa ku bartay duruus wax ku ool ah oo ay ka mid ahaayeen Is-badbaadinta Badda (Safety at Sea), Qalabka Kalluumeysiga, Noocyada Kalluunka iyo cabbiris/miisaamiddooda, gaadiidka badda iyo badmaaxnimada, hababka kalluumeysiga gaar ahaan habka Jeesada (longliner fishing) iwm .

MEDIO OFFICE – MFMR

twitter.com/fisheriesSOM

facebook.com/fisheriesSOM/

E-mail: Info@mfmr.gov.so

Leave a comment

Your email address will not be published.