Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha wasaaradda kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda .
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda , agaasima waaxeeyada , madax qaybeedyada iyo dhamaan shaqaalaha oo idil , waxaana inta uu socday kulanku su’aalo , aragtiyo iyo talo soo jeedin la isku dhaafsaday .
“ Waxyaabaha diirada la saaray waxaa ugu muhiimsanaa sidii shaqaalaha awoodooda iyo wacyigooda shaqo kor loogu qaadi lahaa , waxa kale oo isu imaatan kamid ahaa shaqaale ka tirsan wasaaradda oo 20tan gaaraya oo berito safar ugu baxaya dalka Shiinaha kuwaas oo la soo tababarayo wasaaraadda sagootintooda “ waxa yiri Wasiir Bidhaan .
Ugu danbayntii kulanka ayaa waxaa soo afmeeray Wasiir Bidhaan isagoona Howlwadeenada Wasaaraadda iyo madaxdaba kula dardaarmay in si wadajira loogu adeego Qaranka iyadoona kulanku uu ku soo dhamaaday jawi farxadeed .
MEDIA OFFICE -MFMR






