Kulan looga hadlayay horumarinta ka faa’iidaysiga wax soosaarka kheyraadka badda iyo sidoo kale wada shaqaynta iskaashatooyinka kalluumaysatada iyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaaladda Caasimada ee Muqdisho .

Intuu socday kulankaan ayaa waxaa masuuliyiinta ka kala socday wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka kalluumaysatadu ku gorfeeyeen habka ugu wanaagsan ee la iskaga kaashan karo horumarinta iyo sara u qaadida wax soosaarka iyo sidoo kale joogtaynta wada shaqaynta .

“ Kulankaan waa kulamadii horey u dhici jiray oo wada tashiga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda iyo Howlwadeenada Iskaashatooyinka Kalluumeysada Soomaaliyeed kuwaa oo iska kaashanaaya howlaha waajibka ah ee u yaal , siday taasi u dhacdo waxaa la rabaa in dadka ku howlan Kalluumeysiga oo ay ugu horeysaan Iskaashatooyinka iyo daladahooda iyo howlwadeenada wasaaradu kulan joogto ah yeeshaan .”  Agaasimaha Horumarinta Kalluunka iyo Kalluumeysiga

Maxamuud Axmed Gacal .

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ku aadan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iskaashatooyinka kalluumeysada qaybahooda kala duwan , taasi oo sahlaysa in la iskakaashado kobcinta  waxsoosaarka .

Leave a comment

Your email address will not be published.