Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekadaha & Gadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xusay munaasabadda Maalinta Badaha Aduunka ee 8-da June oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.
Munaasabadda oo uu ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa intii lagu gudo jiray waxaa bar-bar socday olole lagu nadiifinayo Xeebaha Dalka oo laga sameeyay qaybo kamid ah Xeebta Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa warbixin kooban ka siisay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka munaasabadda xuska oo lagu maamuusay qashin saarka Xeebaha .
Mudane Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Badda dheer ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn Dalka, ayna muhiim tahay in laga shaqeeyo hagaajinteeda, si Ummadda Soomaaliyeed ay uga Faa’iidaysato .

MFMR – MEDIA OFFICE