STalaado, April, 30, 2019  – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland kaga qeyb galaya shir heerkiisu sarreeyo oo lagaga hadlaayo arrimaha Kalluunka & Hormarinta Kalluumeysatada  Soomaaliyeed .

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay  bahweynta Kalluumaysatada oo gaaraya 300 oo ruux  kuwaas oo ka kala yimi dalka gudihiisa  iyo dalka dibadiisa.

Ujeedada Madasha:

1. Sidii loo horumarin lahaa ganacsatada yar yar ee kalluumeysatada ah

2. Sidii Suuq caalami ah loogu heli lahaa Kalluunka Soomaaliyeed

3. Sidii loo heli lahaa Machadyo cilmiga Kalluumeysiga lagu barto iyo Wershado Kalluumeysi

4. Sidii loola dagaalami lahaa Kalluumaysiga sharci darrada ah

Shirweynaha Madasha Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo maalintii labaad galay  ayaa doodo dheer kadib iyo aqoon is waydaarsi waxaa gaba gabada lagu soo bandhigo doonaa maalinti xiritaanka wixii war martiyeed loo dhan yahay .

MFMR MEDIA- OFFICE

Leave a comment

Your email address will not be published.