Xafiiska maamulka iyo shaqaalaha ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabiyay kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan shaqaalaha  Wasaaradda kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaraadda .

Kulankaan oo ahaa dardar galinta shaqada iyadoo laga duulayo hanaanka shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda ayaa intiisa badan waxaa lagu soo qaatay waajibaadka shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha iyadoona lagu soo bandhigay habka xaadirinta suulka ee Fingar Printing  taasi oo hab casriya oo lagula socon doono xogta shaqaalaha .

Agaasimaha maamulka Maaliyadda ee wasaaradda mudane Guuleed Maxamed Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa shaqaalaha wasaraadda kula dardaarmay in qof walba oo shaqaalaha wasaaradda ahe uu ilaaliyo waajibaadkiisa shaqo iyadoo isna la ilaalinayo xuquuqdiisa .

Gaba-gabadii kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in dhamaan shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxaha wasaaraddda ee ka soo qayb galay madashan  in si wadajira loogu adeego Qaranka  iyadoona kulanku  uu ku soo dhamaaday guul iyo is fahan  .

PRESS OFFICE  –  MFMR

Leave a comment

Your email address will not be published.