Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda caasimada ee Muqdisho uga furtay Tababar qaar ka mida Kalluumeytasada Soomaaliyeed .
Kalluumeytasadaan oo uu Tababarkaan maalmahan uga socday dugsiga Tababarka Badaha ee degmada Cabdicasiis ee magaaladda Muqdisho ayaa waxay ka kala socdeen Iskaashatooyinka gobolka Banaadir iyo Iskaashatooyinka dowlad gobolaadyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed .
Tababarkaan oo dhowr qaybood iskugu jira ayaa waxaa furay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow isagoona Kalluumaysada kula dardaarmay inay sida ugu haboon ay uga faa’iidaystaan Tababarka , kaasi ay iska kaashanayaan Hey’adda FOA Fisheries program , qaybta barnaamijka Kalluumeysiga .
Iyadoo hadaba laga duulaayo balanqaadkii Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda mudane Cabdulaahi Bidhaan Warsame uu dhawaan u sameeyay Iskaashatooyinka in uu si dhow ula shaqaynaya ayaa waxaa maalinida berito ah waxaa lagu wareejin doonaa dadka Tababarkan u dhamaaday doomo nooca dheereeya ee lagu Kalluumeysto , kuwaas oo dhawaan Wasaaradu kala wareegtay Hey’adda FOA , iyadoona la gaarsiin doonaa dhamaan goboladda Dalka .