“Xilliga Tuunadu ku soo beegan tahay Badeena inaan ka faa’iidaysano oo Heshiis Kula galno maadaama ay Tuunadu ay tahay Kalluunka guur guura oo hadba wadanka gaara jooga xeebahiisa mana ahan Heshiis ee waa Shatiyo la bixiyay oo Maraakiibtaas wakhtigaa Tuunadu badeena ay marayso qabsanayaan.
“Markiibta longliners-ku la yiraahdo waxay qabsadaan Tuunada kaliya markaa Tuuno unbay qaban karaan , umana soo Dhawaan karaan xeebaha waayo Shatiga aan bixinay waa wixii 25 nautical miles iyo wixii ka fog oo badwaynta ah markaa mana qabsan karaan waxaan ahayn Tuunada wixii intaas ka sokeeya Waxaa ka kalluumaysan Kara Kalluumaysadeena.”